Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin waxa uu uga mahadceliyey dhigiisa dalka Belarus, Alexander Lukashenko guusha uu ka gaaray Heshiis uu la gaaray Madaxa Kooxda PMC Wagner Group, Yevgeny Prigozhin, si loo joojiyo dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee ka socda gudaha dalkaasi.
Mahad-celintaasi ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko shaaciyey inuu asaasaha Kooxda PMC Wagner oggolaaday inuu joojiyo Ciiddnkiisa ku wajahnaa Caasimadda dalka Ruushka ee Moscow, si looga hortago inuusan isku daadanin dhiiga dadka Ruushiyaanka ah.
Mar sii horeysay oo shalay aheyd, Madaxweyne Putin ayaa waxa uu Khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Belarus, Alexander Lukashenko, iyagoo ka wada hadlay xaalladda dalka Ruushka, sida ay baahisay Wakaallada Wararka ee BelTA.
Djanla kale, Dagaalamayaasha Kooxdaasi waxay 200 KM KM jirsadeen magaalada Moscow, balse la hakiyey, kadib, Wada-xaajoodkii dhex maray Madaxa Kooxda PMC Wagner, Yevgeny Prigozhin iyo Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko.
Si kastaba, Heshiiska Lukashenko iyo Yevgeny Prigozhin Prigozhin soo bandhigin haddii ay Dowladda Raashiya aqbaahay Codsigii Madaxa Kooxda PMC Wagner ee ahaa in xilka laga qaado Wasiirka Difaaca ee Raashiya, Sergey Shoigu.
W/Q Ustaad Nuuradiin