Faah faahin kasoo baxeysa Haweeney lagu dilay Magaalada Burco

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Haweeney habeenimadii xalay aheyd lagu dilay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, taasi oo  Maanta Meydkeeda la dhigay Isbitaal ku yaalla halkaas.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, isla markaana kamid ahey dadka deegaanka Burco, waxaana la sheegay inuu dilay Nin ay maalmihii lasoo dhaafay wada socdeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa howlgal kala duwan oo ay sameeyeen kusoo qabtay nin lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilkii loo geystay Marxuuumad Ugbaad Cali Dhaban-loox, kaasi oo haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

Ilaa hadda lama oga sababta Keentay dilka Ugbaad Cali, hayeeshee Saraakiish Ciidanka Booliska Somaliland ee ku sugan Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegay in kiiskaan gacanta lagu haayo.

Allaha u naxariistee Ugbaad ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay, balse ninkii hore ay kala tageen, waxaana la sheegay ninkan hadda eedaysanaha ah ay sheeko wadaag ahaayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media