Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa kulan ay yeesheen waxa ay Caawa xilkii uga qaadeen gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmdug Cali Gacal Casir.
Kulanka ayaa la sheegay in ay goobjoog ka ahaayeen ilaa 52 mudane kuwaas oo dhaamntood isku raacay xilka qaadista Cali Gacal casir gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Xildhibaanada Caawa kulmay ee xilka qaadista sameeyay ayaa ah kuwa teegersan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isna Xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in xilkii laga qaaday.
Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Xildhibaanada taabacsan Madxweyne ku xigeenka Galmudug waxa ay kulan ay yeesheen ku doorteen Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug kaas oo ka kooban 13 Xubnood.
Dhanka kale xildhibaanada Galmudug ayaa hadane isla kulanka waxa ay xilka qaadis ku sameeyeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo sheeganaya in uu yahay ku simaha Madaxweynaha Galmudug kadib markii Xildhibaanada taabacsan ay xilkii ka qaaden Xaaf 49 ayaa la shegay in ay xilkii ka qaadeen halka Saddex ka mid ah ay ka aamuseen.