• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweyne Gaas:- “ Dowladda Federalka iyo Puntland wey ku mideysan yihiin La-dagaalanka Alshabaab”.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 17, 2016
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland, C/weli Gaas waxa markii ugu horreysay ka hadlay Eedeymaha ay Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ku sheegeen inay Dowladda Federalka ka dambeeyso Alshabaabka ku soo qulqulayo qeybo ka mid ah Puntland.

Madaxweyne Gaas oo haatan ku sugan dalka Maraykanka ayaa beeniyey Eedeyntaasi, wuxuuna xusay inuusan haynin wax caddaymo ah oo muujinaya arrinkaasi.

Madaxweyne Gaas oo Wareysi Khaas ah siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee  Idaacadda VOA-da waxa uu yareeyey Xasaasiyadda Eedeymahaasi, isagoo ku tilmaamay inaysan daw ahayn in Dowladda Federalka lagu eedeeyo Duullaanka Alshabaabka.

“Dowladda Federalka waxaan ka mideysanahay La-dagaalanka Alshabaab, waayo Alshabaab waa caddow guud” ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo intaasi ku daray inay Dowladda Federalka wada shaqeynayaan sidii Alshabaab looga saari lahaa Somalia.

Waxa uu ka meermeeray hadalkii ay Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ku eedeeyeen Dowladda Federalka, wuxuuna si guud ah u sheegay inay Alshabaab dhibaatooyin badan u geysteen Dowladda Federalka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab caddow ku yihiin Soomaalida, Islaamka iyo Caalamka oo dhan, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo La-dagaalanka Alshabaab.

Madaxweyne Gaas waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inuusan Maamulkiisa u baahnayn in Ciiddamo AMISOM la geeyo Puntland, wuxuuse Beesha Caalamka ka codsaday in Puntland la siiyo taageero la mid ah Taageeradda la siiyo Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

Wasiir Soo-cadde

WASIIR QARJAB

Wasiiradda Ammaanka iyo Warfaafinta ee Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qarjab” iyo Maxamuud Xasan Soo-cadde ayaa horey ugu eedeeyey Dowladda Federalka inay ku lug leeyihiin Qulqulka Alshabaabka soo gaaray qeybo ka mid ah Goballadda Puntland.

Wasiirka Ammaanka Puntland waxa uu isagu qiil uga dhigay inay Dowladda Federalka ka caraysan tahay Go’aanka ay Puntland ku diideen Nidaamka Awood-qeybsiga 4.5 oo uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Sidoo kale, Dowladda Federalka waxay beenisay inay wax lug ah ku leeyihiin Alshabaabka galay Puntland, iyadoo la og yahay inay Alshabaab qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliyaan magaalladda Muqdisho iyo Goballadda kale ee ay Dowladda Federalka gacanta ku hayso.

©Radio Dalsan

 

Previous Post

DEG DEG: Dagaal xoogan oo ka socda Deegaanka Suuj Ee Gobolka Nugaal

Next Post

Dhageyso: Siyaasi sheegay in Dagaalada puntland ay saameyn donaan Doorashada 2016

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Shirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta

June 16, 2025
Buundada  Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay
Warar

Buundada Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

June 16, 2025
Trump oo la sheegay inuu diiday qorshe Israa’iil ku dooneysay dilka Aayatollah Khamenei
Caalamka

Trump oo la sheegay inuu diiday qorshe Israa’iil ku dooneysay dilka Aayatollah Khamenei

June 16, 2025
Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Next Post

Dhageyso: Siyaasi sheegay in Dagaalada puntland ay saameyn donaan Doorashada 2016

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

by Gesey Liban
June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

by Ilhaan
June 16, 2025
0

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, iyadoo fadhiga ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

Shirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta

by Ilhaan
June 16, 2025
0

Waxaa galabta lagu wadaa in si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmo shirkii uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,...

Buundada  Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

Buundada Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

by Ilhaan
June 16, 2025
0

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Awdhiigle, Bariire, Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha...

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
English News

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Shirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Buundada  Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay
Warar

Buundada Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump oo la sheegay inuu diiday qorshe Israa’iil ku dooneysay dilka Aayatollah Khamenei
Caalamka

Trump oo la sheegay inuu diiday qorshe Israa’iil ku dooneysay dilka Aayatollah Khamenei

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
India’s Diplomatic Tightrope: Why New Delhi Refused to Condemn Israel in SCO Statement on Iran Strikes
English News

India’s Diplomatic Tightrope: Why New Delhi Refused to Condemn Israel in SCO Statement on Iran Strikes

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
  • Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
  • Shirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta
  • Buundada Bariire oo Qarax Lagu Burburiyay

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00