Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Siyaasadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary dicalro oo uu wehliyey ergeyga QM ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Rosemary dicalro, ayaa kawada hadlay dadaalada dawladda Soomaaliya ay ka wado dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo Siyaasadda oo uu Madaxweynaha dalka uu la wadaagay Wafdiga ka socday QM.

Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary dicalro oo warbaahinta Qaranka la hadashay, ayaa sheegtay in dawladda Soomaaliya ay sameysay horumar muuqda, waxaana ay ballan qaaday Qaramada midoobay  ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media