Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa Maanta Sawir la galay Korneyl hore uga tirsanaa dowladdii Milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali Tuke.
Hayeeshee Madaxweyne Farmaajo Sawirka uu la galay Col. Tuke ayaa waxaa uu noqday mid siweyn loogu dhaliilo baraha Bulshada gaar ahaan Facebook oo tan iyo markii uu Sawirka soo baxay la isku dhaafsanayay.
Sidoo kale dadka sida weyn uga hadlay Sawirkaas ayaa waxaa kamid ah Hogaamiyaha Xisbiga wadajira Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi,iyagoona ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu Sawir la galay Nin denbiile ah.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri “Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed”.
Korneyl Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo horey uga tirsanaa dowladii Maxamed Siyaar Barre ayaa la soo taagay Maxkamad ku yaalla Mareykanka,isagoona lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah Xuduuda aadanah,kuwaasi uu oo geystay xiligii Siyaad Barre.
Si kastaba Korneyl Yuusuf Cabdi Cali Tuke ayaa Maxkamadii la soo taagay waxaa ay ku xukuntay lacag Magdhow ah oo gaareysa ilaa 500,000 oo Dollar.