Ciidamada puntland oo Maanta fashiliyay qarax

Ciidamada dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Gelinkii dambe ee Maanta waxa ay Magaalada Boosaaso ku fashiliyeen qarax.

Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka aaso ayaa la geliyay Goob Busteejo ah oo Gawaarida laga raaco oo ku taalla bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen oo Warbaahinta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaan ay Al-Shabaab ku dhibaateyn rabeen dadka Shacabka ah sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku ammaanay Ciidamada amiga puntland qaabka wanagsan ay ugu dadaalaan sugida amniga isla markaana la abaalmarin doono.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool deegaanada kala duwan ee Maamul Goboleedka Puntland ku nool in ay ciidamada kala Shaqeeyaan amniga isla markaana ay ku wargeliyaan wixii keeni kara dhibaato amni.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media