Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Mudane Abdinaasir Yusuf Xaaji, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay wasaaradda.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay hoolka wasaaradda oo uu ka socday shir ku saabasanaa dib u eegista xogta caafimaadka halkaasi oo uu ka dhagaystay madaxa xogta caafimaadka wasaaradda Abdirisaaq Cartan iyo masuuliyiinta wasaaradda sanadka dhamaanaya xogta caafimaadka xanuunada kordhay kuwa hoos udhacay iyo bukaanada soo booqday xarumaha caafimaadka.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeeray qaybta wicidda deg-degga ah ee ka jawaabidda cabashada caabuqa Covid-19, qaybta kaydka daawooyinka, waxaana uu masuuliyiinta wasaaradda uu ku bogaadiyay shaqada socota waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan adeegyada caafimaadkana dadka la wada gaarsiiyo.

Kormeerka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee wasaaradda ayaa qayb ka ahaa  kormeer uu maanta ku marayay qaar kamid ah  Xarumaha Dowladda kaas oo kula soconayay  shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan bulshada Wasaaradaha iyo hay’addaha Dowlad Goboleedka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media