Sawirro:-11 Ruux oo laga soo badbaadiyey Diyaarad ku dhacday Magaalo…

Ilaalada xeebaha ee Maraykanka ayaa badbaadiyay 11 ruux ka dib markii ay dhacday diyaaraddii ay saarnaayeen oo maraysay buurta Mount Jumbo ee gobolka Alaska ee dalka Maraykanka.

Qofna kuma dhimanin shilkaas balse dhawr ruux ayaa ku dhaawacantay ka dib markay diyaaradoodii dhacday.

Labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ayaa laga hawlgaliyay buurta Mount Jumbo shilka ka dib si ay samatobixinta ugu qaybqaataan.

Baareyaasha ayaa su’aalo waydiinaya duuliyaha si ay u ogaadaan sida uu shilku u dhacay.

Rakaabkii diyaaradda ayaa laga helay meel dhulka ka saraysa 609 mitir, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Maraykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor