Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa galabta kulan gaar ah la qaatay Madaxweyneyaaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, dhaq-dhaqaaqyada ka socda Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo Arrinta muddo kororsiga ee Farmaajo.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe ka dalbaday inuu si toos ah u caddeeyso mowqifkiisa ku aadan muddo kororsiga ay ku dhaqaaqeen Golaha Shacabka oo loo sameeyay hay’addaha dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa Cali Guudlaawe u sheegay inay muhiim tahay inuu ka qeyb qaato dadaalka loogu jiro sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor ah oo loo dhan yahay.
Kulanka dhexmaray Cali Guudlaawe iyo Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Kulankaas ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Caasimadda dalka ee Muqdisho ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo Cakiran, isla markaana looga horjeedo Go’aankii muddo kordhinta labada sanno ee loo sameeyay Farmaajo iyo hay’addaha dowladda Federaalka.