Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Qarax khasaaro geystay lala beegsaday

Warar dheeraad ab ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo gelinkii dambe ee galabta kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidamada dowladda lala beegsaday, xili ay socdaal ku marayeen Tuulada Gololeey ee duleedka degmada Balcad, kaasi oo jugtiisa la maqlay.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa uu qabsaday gaari kamid ah kuwa ay wateen Ciidamada, isla markaana waxaa qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Sarkaal lagu magacaabi jiray Yaasiin Cabdi Tooxow oo kamid ahaa Ciidamada Milateriga dowladda, halka Askar kale oo la socotay ay dhaawacyo soo gaareen.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ka baxay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka Sarkaalka iyo dhaawacyada Askarta.

Si kastaba maalmo kahor ayey markii qarax miino duleedka Balcad lagula eegtay gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo khasaaro kala duwan geystay, waxaana xusid halkaas dhowr jeer weeraro ka dhacay lagu dilay Saraakiil Ciidan, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor