Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen  oo magacaabay Wasiiro cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay xilka qaadis ku sameeyay xubno ka tirsanaa Golihiisa Wasiirada, isagoona magacaabay Wasiiro cusub oo bedelaya xubnahaas.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Digreero uu xafiiskiisa kasoo saaray waxaa uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed ugu magacaabay inuu noqdo Cabdifitaax Cali Yuusuf oo bedelaya Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ilyaas Cali Nuur oo is casilay.

Ilyaas Cali ayaa isku casilay sababo la xiriira dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, wuxuuna Wasiirkii hore ee Wasaaradda  Koonfur Galbeed uu Madaxweyne Lafta-gareen ku eedeeyay inuu weeraray dadkii uu isaga matelayey.

Wasiiru-dowladaha Wasaaradda gudaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Aadan, halka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Maamulkaas laga dhigay Cumar Cabdiraxmaan Maxamed.

Xilka qaadista iyo  magacaabista uu sameeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kusoo aadeysa, iyada oo uu muddo xileedkiisii dhammaaday Lafta-gareen, isagoona sameeyay muddo kororsi, oo ay kasoo horjeedaan mucaaradkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor