Madaxweynaha dalka Syria Dr. Bashaar Xaafid Al-Asad waxa uu maanta soo saaray Wareegto uu Mushaaraadka ugu kordhiyey Boqolaaal kun oo Shaqaale Dowladeed iyo Ciiddan, isagoo 50% u kordhiyey Mushaaraadka ay haatan qaataan.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa kaloo lagu xusay in la kordhiyo Lacagaha Shaqaaalaha iyo Ciiddanka hawlgabka noqda, iyadoo loo kordhiyey 40%.
Mushaar-kordhinta ayaa timid, iyadoo ay Caqabado Dhaqaale-xumo iyo mid Maliyadeed ka jirta dalkaasi, isla markaana ay sare u kaceen qiimaha Maciishada daruuriga.
Go’aanka Madaxweyne Asad ayaa yimid hal maalin kadib, markii ay Dowladda labanlabtay qiimaha Rootiga ama Cayshka, isla markaana Shidaalka qiimahiisu kordhay 180%.
Mushaar-kordhintii u dambaysay ee Shaqaalaha Dowladda Syria waxaa loo sameeyey bishii November ee sanadkii 2019-kii.