Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Belgium-ka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa la filayaa in uu u ambabaxo Magalada Brussels  ee dalka Belgium-ka.,halkaas oo la filayo in uu ka furmo Shirka Iskaashiga Caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona,Xildhibaano,Wasiiro iyo madax kale,waxana Madaxweynaha uu ka mid noqon doonaa mas’uuliyiinta shir guddoomin doonta Shirka Iskaashiga Caalamka ee 17 Bishaan furmaya.

Madaxda ka qeyb galeysa ayaa ka kala socota UN, EU, IGAD iyo EU iyo Wadamo badan oo ka mid ah Wadamada Saaxiibada dhaw la ah Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaas looga hadli doonon ayaa waxaa ka mid ah Dhaqaalaha,Ammaanka oo uu ugu weyn yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolada dalka Soomaaliya.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Maamul goboleedyada qaar la filayo in shirkaasi ay ka qeyb galaan wallow qaarkood ay diidan yihiin.

Sponsered

Comments
Loading...