Madaxtooyada oo War kasoo saartay Shirkii DFS iyo M/Goboleedyada ee baaqday

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa War kasoo saartay Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo Maanta qorshahu ahaa inuu dhexmaro Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo baaqday.

War qoraal ah oo uu soo saaray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Cabdinuur Axmed Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in waqtiga Cusub ee la qabayo Shirkaas oo ah mid muhiim ah dib laga sheegi doono.

Shirka oo la qorsheyay inuu socon doono inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu ahaa sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waqtiga cusub ee uu qabsoomayo kulanka la wada sugayo ee Golaha Amniga Qaranka waxa la iclaamin doonaa xilliga ku habboon. Ujeeddada shirka loo madlanyahay waa in laga dhabeeyo rabitaanka xooggan ee ay shacabku ku doonayaan inuu kulanku dhaco, ayna ka soo baxaan qodobo dan u ah ajendeyaasha qaran ee hortabinta uleh dowlad dhisidda Soomaaliya” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Shirkaan Maanta u qabsoomi lahaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa horey uga sii horeeyay kulan dhinaca Internet-ka oo ay yeesheen dhinacyada, kaasi oo lagu Go’aamiyay in fuliyo balan qaadyo dhowr ah oo saabsanaa Arrimaha dalka, si heshiisyo siyaasadeed loo gaaro.

Kal horeeyay aheyd markii shir maalmo dhowr ah u socday uu Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ku dhexmaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, hayeeshee shirkaas ayaa kusoo dhamaaday Natiijo la’aan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media