Dhageyso:-ku dhowaad 40 ruux oo ku sumoobay Raashin ay cuneen deegaanka Xanan-buure & Maamulka oo…

Guddoomiyaha deegaanka Xanan-buure ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay Dalsan ayaa faah faahin waxa uu ka bixiyey in ka badan 35 Qofood oo ku sumoobay raashin ay cuneyn,kuwaas oo isugu jira Rag, Haween iyo Carruur.

Dadka ayaa waxa ay ku sumoobeen Raashin ay cuneyn xilli ay ku sugnaayeen Goob uu ka jiray alle Bari ama duco,sida ay sheegeen maamulka deegaanka Xanan-buure.

Gudoomiyaha Xanan-buure Cali Xaashi Faarax ayaa waxa u sheegay in dadka qaarkood xaaladooda caafimaad ay aad u liito,isla markaana ay  u baahan yihiin Gurmad Caafimaad oo deg deg ah.

Waxa uu sheegay in dhaqaatiir ka timid degmada Dhuusamareeb ay soo gaareebn Xanan-buure,isla markaana ay baaritaano ku hayaan waxa dadkaasi inta badan ay ku sumoobeen iyo xaaladooda Caafimaad.

Sikastaba dhulka miyiga ah ee Gobolada dalka aya inta badan waxaa ka dhaca arrimaha ku saabsan ku sumoobiada Raashinka iyo sidoo kale Caanaha ay cabaan xilliyada ay qabaan xuska,waxana taasi loo sababeeyey in xoolaha la qalayo ay yihiin kuwo loo mariyey suntan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha deegaanka Xanan-buure.

Sponsered

Comments
Loading...