• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka Hotel Ambassador

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 2, 2016
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Warsaxaafadeed: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada.
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay isagoo tacsi u diraya shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii caawa ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Xildhiban Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure. Waxan tacsi taa la mid ah u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee iyaguna weerarkaasi waxashnimo ku shahiiday’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidammada Qalabka Sida ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ay dhirbaaxooyin kulul ku dhufteen argagixisada, iyagoo weliba ku guuleystey inay dilaan qaar ka mid ah horjoogeyaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka Soomaaliya iyo dalalka deriska.
“Waxaa weerarkani ay kooxaha naf la caariga ah la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan ay muujinayaan guuldarrooyinka isdaba-joogga ah ee ku habsadey. Waxaa nasiib wanaag ah in shacabka, dowladda iyo ciidammada amniga ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dagaalka lagula jiro cadowga. Waxaana weeraradan waxashnimo ee argagixisada ujeeddada laga leeyahay ay tahay in gu cabsi geliyo shacabka si aanay u taageerin dowladnimada iyo nabadda, taasina waa wax aan dhici karin’’.

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay ciidanka dowladda sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka argagixisada ay caawa ka fuliyeen caasimadda.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ilaahay uga baryey dadkii ku shahiiday weerarkan inuu Ilaahay naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantey uu caafimaad buuxa siiyo, qoysaska iyo eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhamaad.

Previous Post

DEG DEG: laba Xildhibaan oo ku dhintay Weerarkii caawa

Next Post

Warsaxaafadeed: NISA oo ka hadashay dilka Madaxii Amniyaadka Al Shabab

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho
Warar

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

May 13, 2025
Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya
Warar

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

May 13, 2025
Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Next Post

Warsaxaafadeed: NISA oo ka hadashay dilka Madaxii Amniyaadka Al Shabab

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si isdaba joog ah uga shaqeynaya soo celinta bilicda caasimadda iyo...

U.S. Confirms Airstrike on ISIS Fighters in Somalia’s Cal Miskaad Mountains

U.S. Confirms Airstrike on ISIS Fighters in Somalia’s Cal Miskaad Mountains

by Liban
May 13, 2025
0

MIRALE, SOMALIA — The United States Africa Command (AFRICOM) has confirmed that it carried out a targeted airstrike on May...

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Waxaa la filayaa in toddobaadkan si rasmi ah magaalada Muqdisho loogu dhawaaqo urur siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Caddaaladda iyo...

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Goboleedka Puntland ayaa baaq degdeg ah u dirtay Beesha Caalamka, iyada oo ka...

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
U.S. Confirms Airstrike on ISIS Fighters in Somalia’s Cal Miskaad Mountains
English News

U.S. Confirms Airstrike on ISIS Fighters in Somalia’s Cal Miskaad Mountains

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho
Warar

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya
Warar

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Blood and Water Cannot Flow Together”: Indian PM Modi Delivers Stern Warning to Pakistan Amid Fragile Ceasefire,
English News

“Blood and Water Cannot Flow Together”: Indian PM Modi Delivers Stern Warning to Pakistan Amid Fragile Ceasefire,

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump Lands in Saudi Arabia, Showers Crown Prince Mohammed bin Salman with Praise Ahead of Gulf Tour
English News

Trump Lands in Saudi Arabia, Showers Crown Prince Mohammed bin Salman with Praise Ahead of Gulf Tour

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
  • U.S. Confirms Airstrike on ISIS Fighters in Somalia’s Cal Miskaad Mountains
  • Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho
  • Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00