DEG DEG: laba Xildhibaan oo ku dhintay Weerarkii caawa

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in laba xildhibaan oo dowlada ka tirsan iyo ku dhawaad 10 shacab ah iney ku dhinten weerar xoogan oo ay Al Shabab ku qaaden Hotelka Ambassador.

Xildhibaanada la dilay ayaa kala Xildhibaan cabdullahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guure.

Dad ka badan 25 qof ayaa sido kale ku dhaawacmay qaraxa iyo weerarka toos ah ee lagu qaaday Ambassador Hotel sida wararka ay sheegayan.

Sido kale Ciidamada ayaa soo badbaadiyay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi,Xildhibaan Maxamedd Cumar iyo Xildhibaan Macloow sida SONNA ay warineyso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor