Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Roobkii ka Da’ay Hargeysa

Madaxweyna Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan wasiirka arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Gobolka maroodi-jeex, maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Dab-damiska, ilaalada madaxtooyada iyo Xubno ka mida golaha wasiirada ayaa kormeer ku soo maray khasaaraha uu geystay caawa roob laxaadleh oo ka da’ay galabta Magaalada Hageysa iyo Nawaaxigeeda.

Waxaana Madaxweynaha warbixin ka siiyey khasaaraha roobku geystay masuuliyiintii ku hawlanaa gurmadka iyo samato-bixinta dadkii uu waxyeeleeyey roobku, waxaanu madaxweynuhu kormeer ku tegay cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shacabka Somaliland si toosa ugala hadlay television-ka ku hadla Afrka Somaliland, waxaanu madaxweynuhu xusay in 18 qof ku dhaawacmeen, saddex ruuxna ku geeriyoodeen, iyadoo uu khasaare la xaadlehna uu geystay roobkaasi, welina lagu jiro gurmadka iyo baadi goobka waxyeelada roobkaasi keenay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media