Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Bulshada reer Somaliland kula dardaarmay inay ka fogaadan qabyaalada, waxaana uu xusay in loo baahan in la xoojiyo hannaanka Xisbiyada maamulkooda.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka iyo Waxbarashada ku boggaadiyey dedaalkii ay ka galeen marxaladii Xanuunka COVID-19,
“Xanuunkii Covid 19 dhibaatadii timi, waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka arrintaa dedaalka ay labaduba ka galeen, mid Caafimaad u gurmatay mid ku dedaashay ardaydii inaanay tacliinta seegin oo ay u mariyaan muuqaal†ayuu yiri Muuse Biixi.
Ugu dambayntii Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wakhtigii Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo deegaanku soo dhaw yahay loona baahan inay noqoto mid dadka u horseeda horumar “Doorashadii lasoo qaaday wakhtigeedii waa soo socdaa, waxaan filayaa in doorashadaasi noqoto mid inoo keenta Horumar, waynu koraynaa Xisbiyadu waa korayaan habka Kaanbaynka loo gelaayo waa la korayaa, ma noqonayno inaan abuurno cadaawad iyo xanaf lagu rafto umana baahnin†ayuu yiri Muuse Biixi.