Faah faahin:-Dab la qabadsiiyay Hotelkii lagu kufsaday laguna dilay Xamdi

Faah faahino ayaa laga helayaa Dad careysan oo barqanimadii Maanta dab qabadsiiyay Hotelkii dorraad falkii kufsiga ahaa loogu geystay Gabar dhalinyaro aheyd, taasi oo markii dambe laga soo tuutay dabaqa, kadibna ay geeriyootay.

Dad u badan dhalinyaro ayaa banaanbax kahor dhigay hotelkii falka kufsiga ah loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax, waxaana dadkii halkaas banaanbaxa ka dhigay ay ahaayeen kuwo aad uga careysan falkaas.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa hotelka oo ku yaalla Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir hortiisa ku gubay taayaro waaweyn, iyagoona qeyb kamid ah dhismaha hotelka qabadsiiyay, sida  lagu arkayay sawirro halkaas laga soo qaaday.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dadka qaarkood ay dhagxaan ku tuurayeen hotelkii laga soo tuuray Maruumad Xamdi Maxamed, kadib markii rag dhalinyaro ah ay fal kufsi ah u geysteen.

Ugu dambeyn qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay in si Deg-deg ah cadaalada loo horkeeno raggii ka dambeeyay falkaas foosha xun, xili falkaas Taliska Booliska uu sheegay in loo qabtay 4 ruux oo laga shakisan yahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media