23 qof ayaa ku geeriyootay dab Waaberigii hore ee saakayto ka kacay qarax ka dhex dhacay Wershad lagu farsameeyo Garamada ama Fanaanadaha oo ku taalla Degmadda Wershadleyda Toongi ee Waqooyiga Caasimadda dalkaasi ee Dhaka.
Qaraxaa ayaa la sheegay inuu ka dhashay dab qabsaday Haanta Biyaha lagu kululeeyo ee taallay Wershadaasi.
Wargeyska The Dhaka Tribune ayaa qoray in ugu yaraan 10 qof ku geeriyootay qaraxaasi, halka ay 20 kalena ku dhaawacantay.
Ilaa boqol qof ayaa la rumeysan yahay inay ka shaqeynayeen Wershadda markii uu dabku qabsaday Wershadaasi oo ka kooban 4 dabaq.
Dhinaca kale, Dalka Bangaladesh waxaa horey uga dhacay Shilal badan oo ay dad ku geeriyoodeen, iyadoo sannadkii 2013-kii Dhismo Wershadeed ay ku geeriyoodeen in ka badan kun iyo boqol qof.
©Radio Dalsan