Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah faahin ka bixiyay Safarka uu ku imaan doono Magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada Puntland sanadkii 2019.
Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka Safarkiisa Muqdisho uu yahay sidii uu ula kulmi lahaa Madaxda dowladda Federaalka, isla markaana loo xalin lahaa Khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowladda iyo Puntland.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala dhexeeyo kala aragti duwanaasho la xiriira Arrimaha Siyaasada dalka, hayeeshee aysan jirin arrimo kale.
Waxaa uu sheegay in Puntland ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo xalin lahaa Khilaafka haatan u dhexeeya Madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedka dalka jira ayna heshiis u gaari lahaayeen si looga gudbo caqabaha jira.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka uu kala hadli doono Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Arrimaha doorashooyinka dalka, tabashooyinka Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Si kastaba dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhexeeya Khilaaf siyaasadeed, kaasi oo sababay in Puntland ay kasoo horjeesato sharciga Doorashooyinka uu uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.