Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Axad ah waxaa ku wajahan wafdi Xildhibaano ah oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanadan ka socda dowladda ayaa kasoo jeeda deegaanada Galmudug, waxaana kamid ah Xildhihaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, iyagoona la filayo in saacadaha soo socda ay tagaan Dhuusamareeb.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay yihiin kuwo kasoo horjeeday hannaankii Doorashada Galmudug Madaxweynaha ee uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Sidoo kale Xildhibaanadan iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay u socday wada-hadallo, waxaana la tilmaamay in la isku afgartay in dib heshiisiinta deegaanka laga wadashaqeyo.
Waxaa kaloo labada dhinac ay isla garteen in dhinacyada salluugsanaa hannaankii doorashada Galmudug madal isugu yimaadaan, si looga gudbo caqabadaha jira, danta Galmudug laga shaqeeyo.
Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaanada ka socda dowladda ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan dardar gelinta dib u heshiisiinta, xalinta tabashooyinka ka dhashay Doorashada, si iyadoo loo dhan yahay Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug looga qeyb galo.