Madaxweynaha oo sheegay in la raadinayo odaayasha ka maqan shirka Jowhar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay odayaasha ka maqan shirka magaalada Jowhar ayaa sheegay in weli la raadinayo odaasha shirkasi ka maqan islamarkaana si deg deg ah xal looga gaarayo arintasi.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay iney la fariisato cid waliba oo cabasho ka keenta sida dowlada ay wax u dooneyso.

Odayaal dhaqameyd badan oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa hore u diiday iney tagan magaalada Jowhar oo ay shirka halkasi ka socda ka qeybgalan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor