Madaxweyne C/fataax Alsisi ayaa arrintaasi ku sheegay Khudbad uu u jeediyey Ciiddanka dalkiisa, wuxuuna xusay inaysan Masar marnaba lid ku ahayn Ethiopia.
“Waxaan doonayaa in Walaalaha Ethiopia hubaal uga dhigo inaysan Masar marnaba taageero u fidinin Mucaaradka ku kacsan Ethiopia”
ayuu yiri Madaxweyne Alsisi, wuxuuna intaasi ku daray inaysan Masar qaadi doonin tallaabo ka dhan ah Ethiopia.
Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii uu Afhayeenka Dowladda Ethiopia ku eedeeyey Dowladdaha Masar iyo Eritrea inay taageeraan Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda Ethiopia.
Masar iyo Ethiopia waxaa ka dhexeeyo wadaagista biyaha Webiga Niil, iyadoo Ethiopia dhisanayso Biyo-xireen laga dhalinayo Koranto awoodeeda dhan tahay lix kun oo megawaat.
©Radio Dalsan