• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 3, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha: “Madasha Wadatashiga Qaran waa fursad ay shacabka ku go’aaminayaan mustaqbalkooda siyaasadeed’’

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 14, 2015
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo sannadka 2016-ka.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgaley madaxda maamullada gobollada ee Jubba, Galmudug, Puntland , Koonfuur Galbeed Soomaaliya, maamullada gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, ururrada bulshada, wakiillada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyay Madaxweynaha, ayaa waxaa uu shacabka ku xusuusiyey in tani ay tahay fursad muhiim ah oo ay kaga tala bixin karaan mustaqbalkooda siyaasadeed.

“Madasha Wadatashiga Qaran waa mid muhiim u ah taariikhdeena dowlad dhisidda ee aan muddo soo wadney. Waxaan idin sheegayaa in ka hor inta aanan halkan imaan, aniga iyo madaxda maamullada aan muddo saddex maalmood ah ku jirney wadatashiyo adag oo aan ku gorfeyneyno mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeena. Maantana waxaan halkan u joognaa inaan aaraadiina dhegeysano, talo isku darsano, aan faaqidno talooyinkii laga soo uruuriyay shacabka labadii bilood ee la soo dhaafay, ugu dambeytiina aan qaadano talo mid ah,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in kulamada noocaan ahi ay noqdaan kuwo abuuraya rajo cusub oo Soomaali ay leedahay, aakhirkana horseedi kara inaan dib cagaheena isku taagno, aana soo dhisno nidaam dowladeed oo sal adag, kuna dhisan nabad, caddaalad iyo horumar.

“Inagoo wadajirna ayaan horumar ku gaari karnaa. Waddankeena dhibaatooyin badan oo xanuun badan ayuu soo marey. Ma dooneyno in xusuusta murugada leh aan ku saleyno mustaqbalkeena. Waxaan u baahanahay inaan la imaanno is-cafin, wada noolaansho, iyo inaan abuurno jawi nabadeed oo naga saara cabsida iyo kala aamin baxa nagu jira. Waa dhab inaan wajahayno amaba aan dhammaanteen wada dooneyno inaan qaadano nidaam cusub oo siyaasadeed oo aan horey loo tijaabin. Waa inaan cabsida iyo shakiga meel iska saarnaa, lana imaanaa geesinimo aan ku wajahno mustaqbalkeena, waana hubaal inaan guuleysaneyno, inagoo wadajirna oo ummad mid ah’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku xusay in hannaankan socdaa uu yahay mid Soomaali leedahay, talo Soomaaliyeedna lagu shaqeynayo, loona baahan yahay in laga wada faa’iideysto.

“Beesha caalamka iyo waddamala kale ee ina taageeraya kaalintooda waa fududeyn. Talada gacanteena ayay ku jirtaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan ku gaarno talo Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in gobollada kala duwan ee dalka ay ka dhacaan kulamo wadatashi ah oo shacabka fikradahooda lagu dhegeysanayo. Fikradahaasi kala duwan ayaa lagu dhisi karaa hannaan dimoqraadiyeed oo talada ay shacabka leeyihiin. Waa Ilaahay mahaddii in safar dheer kadib aan maanta soo gaarney meel muhiim ah oo shacabkeena ay mustaqbalkooda ku go’aaminayaan, talana ay ku leeyihiin’’, ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu u mahadceliyay beesha caalamka, kaalinta ay ka qaadatey fududeynta wadatashiyadan muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo dhanka kalena ka codsadey shacabka Soomaaliyeed inay sida saxda ah uga faa’iideystaan taageerada beesha caalamka ee dib loogu dhisayo Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kale oo khudbado ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari,Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, madaxda maamul goboleedyada, diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiin kale.

MADASHA 2 MADASHA 3 MADASHA 7 MADASHA 5 MADASHA 4

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

Previous Post

Dhagayso: Warka Habeen 13-12-2015 by Xamdi Xasan Yuusuf

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo lagu eedeeyey dadka lagu dilay iyo kuwo lagu la’ yahay W/bari ee dalkaasi.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
Warar

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

July 3, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah

July 3, 2025
Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday
Caalamka

Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday

July 3, 2025
Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo lagu eedeeyey dadka lagu dilay iyo kuwo lagu la’ yahay W/bari ee dalkaasi.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta markale kulan muhiim ah ku qabtay Madaxtooyada Qaranka, isagoo sii...

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor),...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka Madasha Mucaaradka oo uu...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
Warar

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Registers as First Voter in South West State Electoral Rollout
English News

President Laftagareen Registers as First Voter in South West State Electoral Rollout

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
  • Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
  • Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00