Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Maxamuud Cabaas Abu Maasim uu ugu baaqay Donald Trump inuusan Safaaradda Maraykanka ku leeyahay Yuhuudda u soo wareejinin Bariga magaalladda Quddus-ta La-haysto.
Madaxweyne Abu Maasim waxa uu ka digay haddii ay Maraykanka ka dhega adeegaan Codsigaasi inay taasi khatar u keeni karto Dadaalka Nabadda iyo Xalka Labada Dowladood ee Falastiin iyo Yuhuudda oo is-dhinac deggan.
Waxa kale oo uu xusay inay magaalladda Quddus ama Jerosaalin tahay Caasimadda mustaqbalka ee Dowladda Falastiin.
Dhinaca kale, Madaxweynaha La-doortay ee Maraykanka, Donald Trump waxa uu bishii September ee sannadkii hore u ballan-qaaday Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netayahu inuu magaalladda Quddus u aqoon doono CaasimaddaYuhuudda ee aan kala qeybsami Karin.
Madaxweynaha Falastiin, waxa kale oo uu qoraalo u kala diray Hoggaamiyayaasha Raashiya, Shiinaha iyo Midowga Europe, kana codsaday inay qaadaan Tallaabo ay ku joojinayaan inay Maraykanka ku dhaqaaqaan go’aankaasi.
©Radio Dalsan