Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ahna Murashax Madaxweyne ee Maamulka Somalialnd, C/raxmaan Maxamed C/llaahi “Cirro” ayaa hadalkaasi ku sheegay Hadal-qoraal oo uu u diray Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, kaasi oo bishii December 23-dii ee sannadkii hore daabacay inay Ra’isul-wasaraha XFS iyo C/raxmaan Cirro Kulan Khaas ah ku yeesheen Hotelka Sarena ee magaalladda Nairobi.
C/raxmaan Cirro waxa kale oo beeniyey inay doonayaan inay dib ula midoobaan Somalia ka hor Doorashooyinka sannadkan ka dhacayo Somalia.
Siyaasigaasi oo muddo 11-sanno ahaa Guddoomiyaha Aqalka Odayaasha Somaliland waxa uu ku dooday inuusan isaga ama Wafdigii la socday marnaba la kulmin Ra’isul-wasaaraha XFS ee uu xilligu ka dhamaaday, ahna Murashax Madaxweyne Cumar C/rashiid, isla markaana kala hadlin Midnimadda Somalia.
“Xisbiga Waddani waxa uu u taagan yahay Somaliland jiritaankeeda iyo madax-bannaanida” ayuu ku yiri Qoraalkiisa, wuxuuna intaasi ku daray in Gooni-isku-taagga Somaliland ku qoran yahay Dastuurka Somaliland.
Dhinaca kale, mar uu ka hadlayey Sawirka caddaynayo Kulanka uu Cumar C/rashiid ku wada yeesheen Hotelka Sarena waxa uu C/raxmaan Cirro ku adkeystay in Sawirkaasi ahaa mid la been abuuray, laguna farsameeyey Naqshadaynta Kombiyuutarka ee Photo-shop.
Ilo madax bannaan ayaa sheegayo inuu C/raxmaan Cirro cadaadis siyaasadeed kala kulmay Madaxda Xisbigiisa Waddani, kuwaasi oo ku cadaadiyey inuu beeniyo Warkaasi ama uu iska casilo Musharaxnimadda Madaxtinimadda ee la qaban doono bisha March ee sannadkan.
©Radio Dalsan