Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) ayaa magacaabey Gudiga Fatahaadyada Deeganada Koonfur Galbeed.
Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka kooban 9-xubnood, waxaana 6 kamid ah ay yihiin Wasiiro ka tirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halka saddex kalena ay yihiin Guddoomiyeyaasha Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay Guddiga Gurmarka Fatahaadaha Webiyada Shabeelle iyo Jubba.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna Guddi u Magacaabay Fatahaadaha Webiga Shabeelle.
Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Lafta-gareen.