Wasiir Islow oo ka hadlay kalsoonidii lagala noqday Xukuumadda RW Kheyre

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay Kalsoonidii Maanta lagala noqday  Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiir Islow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax aan wanaagsaneyn  Maanta uu ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa, isla markaana Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka la horgeeyay Ajendihii loogu tala-galay in laga doodo mid aan aheyn.

Wasiirka Amniga  Xukuumadda ayaa waxaa uu sheegay in Go’aanka uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal ee Kalsoonida loogala noqday Xukuumadda RW Kheryre uu ahaa mid aan waafaqsaneen Dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo xubno kale ku eedeeyay inay doonayaan in ay sameeyaan muddo kororsi, isla markaana arrintaas ay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare ay kasoo horjeedo.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay in Doorashada ku dhici doonto waqtigii loogu tala-galay, isla markaana ay Xukuumadda ka shaqeyn doonto sidii ay u dhici laheyd Doorashada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa waxaa uu shaaciyay in 170 Xildhibaan ay ogolaatay in kalsoonida lagala noqday Xukuumadda RW Kheyre, halka 8 Mudane ay ka aamuseen, kadib kulan Maanta ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media