Madaxweynaha Kenya waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Telefishinka Maraykanka ee Fox News, wuxuuna xusay inay had iyo jeer cabsi khatar ah ku qabaan weeraradda Alshabaa, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Kenya waa dal ku dhex nool dalal deris oo aad u tabar daran, waana taas xaqiiqda, laakiin hal million oo qaxooti ka kala yimid qeybo kala duwan oo ka tirsan Gobalkeenna ayaa waxaan had iyo jeer is-niraahnaa inay tani ka dhigi doonto Ammaanka dhamaanteenna” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo intaasi raaciyey inay caqabadahaasi kaga imaanayaan Deganaansho La’aanta Somalia.
Waxa kale oo uu sheegay inay Kenya isku tijaabisay inay taageerto iyo inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan Walaalaha Somalia iyo DFS, balse, aysan si buuxda u maamulin Gobalkooda.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu si rajo-xumo leh u sheegayu inay nasiib-xumo tahay inay Kenya bar-tilmaameed u noqdaan Alshabaab.
“Waxaan samaynaynaa Ammaan iyo horumar wanaagsan, balse, Been baan adiga kuu sheegayaa, haddii aan iraahdo waxaan xal u helnay Mashaakilkaasi” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Waxa uu intaasi ku daray inay cabsi joogto ah ka qabaan Weeraradda Alsshabaab, inkasto oaysan Kenya keli ku ahayn weeraradaasi.
Mar wax laga weydiiyey sababaha ay Ciiddankiisa u joogaan waxa uu carrabka ku dhuftau inaysan Somalia u joogin sababo kale, balse ay kala shaqeynayaan Maamulka Somalia iyo Saxaiibadda Caalamka si loo hubiyo inay Kenya taageeradda lama huraanka ah ka geysanayaan si loo sugo Ammaanka Somalia.
Waxaana uu intaasi ku daray haddii ay Soomaalida sugaan Ammaankooda inay sugaeen Ammaanka Kenya.
Dhinaca kale, Uhuru Kenyatta wareysigiisa kuma soo hadal-qaadin Khilaafka Badda iyo sheegashadooda lahaanshaha qeyb ka mid ah xuduudka Badda ee Somalia, balse, waxa uu aad ugu dheeraaday Derbiga laga dhisayo Xuduudka Berriga, Weeraradda Alshabaab ku hayaan dalkiisa iyo xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku jirta Xeryaha ku yaalla dalkaasi.