Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa u mahadceliyay xubnihii soo dhaweynta u sameeyay , waxaana la filayaa in Goordhow qeybta nasiinada Garoonka uu warbaahinta kula hadlo.
Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu halkaas kula soo kulmay Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubno kale.