• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 7, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 9, 2015
in Warar
Reading Time: 9 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu saxiixayey heshiiska hannaanka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ay wada saxiixeen xubnaha golaha wasiirrada ee ka soo jeeda degaannadaasi, guddoomiyeyaasha labada gobol iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta ka hawlgasha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tallaabada siyaasiyiinta iyo madaxda gobolladan ay ku dhaqaaqeen ay tahay mid taariikhi ah oo mustaqbalka waddanka waxtar u leh.

‘’Waxaan maanta u wada fadhinaa tallaabo kale oo horumar ah, taas oo qeyb ka ah baahinta xukunka. Saxiixa heshiiska maanta waxaa uu soo afjarayaa goobihii weli harsanaa ee aan weli maamulka lagu baahin. Waxaa maanta kadib inoo bilowdey fursad cusub oo ah inaan helno mas’uuliyiin aan kala xisaabtanno taako kasta oo dhulkeena ka mida ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay garab istaagi doonto maamullada ka jira dalka oo dhan.

“Tallaabada tan xigta waxay noqoneysaa inaan u istaagno xoojinta maamullada jira. Waxaan dhiirigelinayaa in lagu tartamo horumarka , dib u heshiisiinta iyo wadatashiga, waddadaasi ayaana ah tan aan horumarka ku gaari karno. Waa in aan iska ilownaa wixii horey noo soo marey, khibradda aan ka dhaxalneyna aan u adeegsanaa inaan ku sameyno dib u heshiisiin waarta iyo nabad’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay gashey marxalad cusub oo ka duwan tii hore, isla markaana wixii haatan ka dambeeya ay maamullada cusub ee dhismaya si buuxda wax ugu leeyihiin talada siyaasadda, horumarka, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ammaan u jeediyay beesha caalamka, ciidammada AMISOM iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku taageeraya dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab.

‘’Waxaan marka hore tacsi u dirayaa dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay dagaallada dalka looga sifeynayo cadowga. Mar walba oo uu dagaal dhaco waxaa jira khasaare soo gaara dadka rayidka ah. Waxaan dhowr jeer kala hadley, mar kastana aan ku adkeeyaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM inay iska dhowraan waxyeelo shacabka la gaarsiiyo. Waxay labadan dhinac kulan degdeg ah oo aan la qaatey iigu xaqiijiyeen inay u hoggaansami doonaan sharciga, isla markaana la dhowri doono shacabka, lagana fogaan doono in waxyeelo ay soo gaarto.’’

Munaaabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, diblomaasiyiin iyo madax kale.

Waxaa sidoo kale kale munaasabadda ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Maamulka KMG ee Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la filayaa in uu rasmi ahaan u furmo bisha September kowdeeda, lana soo gabagabeeyo 1-da December, ee sannadkan 2015, markaas oo lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka madaxda cusub ee maamulka la soo dhisayo.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]

IB0A0813
IB0A0028
IB0A0195
IB0A0688
IB0A0640
IB0A0850
IB0A9595
IB0A9531
Previous Post

Dhagayso: Warka Subax 09-08-2015 by Xamdi Xasan Yuusuf

Next Post

Uhuru Kenyatta iyo Yuweeri Museveni oo kulan ka yeelanayo Arrimaha Somalia

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Next Post

Uhuru Kenyatta iyo Yuweeri Museveni oo kulan ka yeelanayo Arrimaha Somalia

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta booqasho dhiirigelin iyo dhiirrigelin qaran ah ku tegay...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Xaaladda degmada Moqokori iyo deegaannada hoos taga ayaa saaka aad u kacsan kadib dagaallo culus oo billowday waaberigii hore ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay kulan rasmi ah...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
  • Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00