Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lagu weeraray hotelka Nuur doob.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo shir Jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa aad u cambareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu weeraray hotel ay degnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka.
Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, wuxuuna Madaxweynaha Hirshabeelle xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen saddex ruux oo uu xusay inay ku dumeen guryo, halka 7 qof kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Maanta.
Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarkaasi, isla markaana waxaa uu Caafimaad u rajeeyay mas’uuliyiintii iyo iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxa oo burbur baaxad leh u geystay dhismayaal badan.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku baaqay in loo midoobo la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, isagoona faray laamaha amniga Maamulka inay adkeeyaan ammaanka deegaanada Hirshabeelle.
Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen qaraxa hotel ay deganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, qaraxa ayaa dhaliyey khasaare burbur hantiyadeed.