Caqabad hor leh oo soo wajahday Ganacsatada Kenya ee Qaadka dhoofintiisa loo fasaxay

Ganacsatada qaadka ayaa waxaa laga yaabaa in dhoofintiisa ay sugaan in ka badan intii lagu waday in lagu geeyo Muqdisho maalin uun kadib markii Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo dhoofinta Jaadka.

Sababta ayaa lagu sheegay in shuruudo lagu xiray ka dib markii dhowaan la ansixiyay xeerar cusub oo dhanka dalagga beeraha ah.

Ganacsatada iyo Beeraleyda ayaa si weyn u soo dhaweeyay dib u furista suuqa Soomaaliya, balse waxa ay ugu baaqeen dowladda in ay dadajiso bixinta shatiyada dhoofinta sida uu dhigayo sharciga.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Qaadka Kimathi Munjuri ayaa BBC-da u sheegay in Hay’adda Beeraha iyo Cunnada (Afa) aysan wali shatiyada siinin ilaa 500 oo ah ganacsatada qaadka dhoofisa.

Si degdeg ah ayaan ugu baahanahay shatiyada sababtoo ah ma rari karno qaadka anaga oo aan u hogaansamin shuruucda,” ayuu yiri Munjuri.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa Jimcihii dib usoo nooleeyay xiriirkii labada dal kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isku afgarteen in ganacsigii iyo duulimaadyadii labada dal uu si degdeg ah dib ugu bilaabmo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor