Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa la filayaa in Maanta uu gaaro Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Madaxweyne Waare ayaa Safarka uu ku tegayo Dhuusamareeb waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan labada Golle ee Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiin kale,waxaana ay ka soo ambabaxayan Magaalada Baladweyne oo ay ku sugan yihiin.
Weli lama shaacin Ujeedka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu u tegayo Magaalada Dhuusamareeb,waxaana halkaas ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo qaar kamid ah Golhiisa Wasiirada.
Madaxweyne Waare ayaa maalmihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa xalinta Khilaaf ka dhashay xilka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed,hayeeshee ugu dambeyntii arrintaas xal laga gaaray,isagoona ku sugnaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Muddo ka badan Bil.