Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Kongada Dimuqraadiga ayaa xaqiijiyey in magaalladda Gooma noqotay magaalladda ugu weyn ee uu faraha ba’an ku hayo cuddurka dilaaga ee Ebola, kaasi oo bishii August ee sannadkii hore ka dilaacay Bariga dalkaasi.
Nin Bukaan oo la il-daran cuddurkaasi ayaa la sheegay inuu aroornimadii shalay soo gaaray magaalladda Gooma, isagoo la socday Bas ka yimid Degmadda Butembo ee Gobalka Nord Kivu.
Bukaankaasi waxaa la sheegay inay la socday Bas ay saarnaayeen 18 qof oo rakaab ah iyo Dareewalkii Baska.
Arrintan ayaa waxay kordhisay walaaca laga qabo inuu cuddurkaasi si degdeg ah ugu faafo goobaha dadweynaha ee u dhow Xuduudka dalka Rwanda.
Cuddurka Ebolaha ka dillaacay Bariga Koongada Dimuqraadiga waxaa horey ugu geeriyootay 1,655 qof, halka 694 kalena laga daaweeyey cuddurkaasi, halka 160,000 o okalena laga tallaalay.