Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay howlgalo ka wadaan Magaalada Dhuusamareeb,kadib markii shalay halkaasi uu ka dhacay qarax Khasaaro geystay.
Ciidamada amniga ayaa la sheegay in gacanta ay ku dhigeen Rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab,kadib markii Ciidanka amniga ay shacabka ku wargeliyeen in Raggaas laga shakiyay.
Dadka deegaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa tilmaamay in Ragga la qabtay mid kamid ah uu watay Bastoolad,isla markaana haatan ay gacanta ku hayaan Ciidanka amniga.
Sidoo kale xalay iyo saakay Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowladda ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka wadaan Xaafado ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb,iyagoona sidoo kale baaritaano ku sameeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa shalay ka dhacay qarax Khasaaro geystay,waxaana ku dhaawacmay dad shacab ahaa,kuwaaasi oo ku sugnaa Maqaaxi yar oo ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Inji oo kamid ah Xarumaha ay ku shaqeeyaan hay’addaha amniga dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.