Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kulan kula qaatay wafdi ka socday dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ujeedka wafdigaas Maanta tegay Baladweyne ayaa waxaa uu ahaa dhameynta Colaad beeleedyo ka dhacay deegaanka Feer-feer ee ku yaalla xadka kala qeybiya Hiiwaan iyo Itoobiya, waxaana Colaada dhacday ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Madaxweyne Waare iyo wafdiga ka socday Dowlad deegaanka ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin muhiimada ay leedahay iskaashiga dhinacyada amniga, Dhaqaalaha, iyo Horumarinta ganacsiga.
Wafdigaas ayaa isugu jiray heer wasiiro, Maamulka Gobolka Shabeelle ee Dalka Itoobiya iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maalmahaan ku sugnaa Feer-feer, iyaga oo halkaas oo ay u tagay xalinta laba Maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay.