Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xeer soo baxay oo ku astaysan 26 Agoosto,2020 ku Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka Galmudug Galmudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug
Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGG ee qeexaya sarreynta sharciga.
Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGG ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.
Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.
Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.
Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGG
Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGG
Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGG
Wuxuu soo saaray xeerkaan:
Qodobka 1aad
Waxaa loo magacaabay : Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGG
Qodobka 2aad
Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.