Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu ka hadlay Dabkii saakay waabarigii hore ka kacay Shirkad lagu magacaabo Bader oo ku taalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,kaasi oo geystay Khasaaro hatiyadeed oo aad u badan.
Madaxweyne Xaaf waxa uu sheegay inay xanuunka iyo murugada si dhaw ula qeysanayaan Ganacsatadii saakay hantidooda ku waayay dabkii xooganaa ee ka kacay goobo ganacsi oo ay leedahay Shirkadda Beder ee ku taalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qornaa sidan:-
“Aniga oo ku hadlaya Magaceyga, kan Gole-yaasha Dowlada iyo Shicibka Dowlad Goboleedka Galmudug, Waxaan xanuunka iyo murugada si dhaw ula wadagayaa Ganacsatada Galmudug ee maalkooda ku waayay Dabkii saaka ka kacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Badel kheyr qaba Alaha adinka siiyo, masiibadani waa mid kamid Imtixaanada ILAAH SWT ku ogaado heerka samir iyo dulqaadka Adoomadiisa.
Waxaan idiin rejaynayaa Samir Jamiila iyo soo kabasho deg deg ah insha-allah.
Dowad goboleedka Galmudug siyaasad cad ayaa uga dagsan ka hor-taga khataraha Dabku ka mid yahay, waxaan fileynaa dhawaan inaan Magaalooyinka waa weyn ee Galmudug u helnno; Gaadiidka Dab-damiska iyo Gargaarka degdega ah”.
Dabkii ka kacay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa geystay khasaaro habtiyadeed,waxaana uu baabi’iyay gabe ahaanba Shirkad lagu magacaabo Beder oo ku taalla degmadaas.