Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Bacaadweyne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo xubno kale, waxaana deegaanka kusoo dhaweeyay Maamulka Bacaadweyne iyo dadweyne badan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ujeedka socdaalkoodu la xariiri u kuur galida baahiyada adeega Bulshada ayaa kulama la qaadanaya maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo kala hadli doona baahiyaha la xariira adeegyada bulshada ee ka jira halkaas.

Booqashada Qoorqoor ee Bacaadweyne ayaa kusoo beegantey xili Magaaladu aysan weli kasoo kabsanin wax-yeeladii ka dhalatay Daadad ku dhuftay deegaanka, kuwaasi oo sababey burbur baaxad leh oo gaarey dhismayaasha Magaalada iyo dhimashada labo caruur ah .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media