Waa xaqiiqo in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle yahay Hoggaamiye dadaal badan u galay xal-u-helista Arrimaha Somalia, wuxuuna sannooyin badan ku hawlanaa inuu Siyaasiyiinta Soomalida isku soo dumo, isla markaana uu wax badan ka baro Hoggaaminta Wanaagsan iyo Dulqaadka Furan.
Madaxweyne Geelle waxa uu maanta booqasho ku yimid Muqdisho, isagoo Madasha Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Khudbad Xikmad xambaarsanayd oo Qiiro xambaarsan.
Waxa uu kasbaday Quluubta Muwaadiniinta Soomaalida, wuxuuna Farriin Talo xambaarsan u jeediyey Madaxweyne Farmaajo.
Waxaan ka mid ah dadkii dhegeysanayey Khudbadaasi waxaana aad ii soo jiitay markii uu ka hadlay Mas’uuliyadda ay Madaxweyne Farmaajo ka sugayaan Ummadda iyo xaalladda adag ee Abaaraha ee ka taagan Somalia.
Madaxweyne Geelle waxa kale oo uu Kaftan-siyaasadeed ku qiray Waxqabadkii Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, wuxuu kale ammaanay dadaalka Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo uu ku tilmaamay Rug-cadda Ma-daale ah, oo ay Xildhibaanadda BFS dib u soo doorteen.
Dhinaca kale, Madaxweyne Geelle waxa uu aad isaga ilaaliyey inuu ka hadlo Siyaasadda dalalka deriska, wuxuuna door biday inuu culayska saaro Danaha dadka Soomaalida.
Dadkii ku sugnaa Munaasabadda waxay si qiireysan ugu sacab tumeen Madaxweyne Geelle, waxayna si wadajir ah ugu wada luqeeyeen Heesta Soomaaliyeey Toosooy, isku tiirsanaada.
Madaxweyne Geelle waxa uu la qiirooday Heestaasi, waxaana la maqlayey isagoo uu ku luqeynayey Hooriska Heestaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle waa Hoggaamiye Waddani ah, Ku-dayasho mudan, waxaana Madaxdeenna la gudboon inay ka cashar bartaan Hannaanka Hoggaaminta Wanaagsan, La-dagaalanka Musuqa iyo Kasbashadda Ummadda iyo Jacaylka Waddaniyadda.
©Radio Dalsan