Kenya oo ku eedeeysay Norway inay Somalia kula safan tahay muranka xuduudka Badda

Cadadkii maanta ee Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inaysan Kenya ku faraxsanayn doorka ay shirkadda Norweejiyanka ee dib u calaamadaynaysa Khariidadooda, waa sida hadalka loo dhigay.

Shirkadda Shidaalka ee DNO ee laga leeyahay dalka Norway ayaa la sheegay inay Qandaraas ku heshay inay shidaal ka baarto xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay ee ay Kenya sheeganayso.

Wargeyska The Nation ayaa qoray inay Warbixino la rumeysan karo muujinayaan inay Kenya ka dibad-baxeen Dowladda Norway oo u oggolaatay Shirkadooda inay ku lug yeeshaan kala-qeybta muranka xuduud-baddeedka Kenya iyo Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo magaciisa qariyey ayaa u sheegay Wargeyska The Nation inay ka caraysan yihiin in Norway oo la rumeysnaa inay ka shaqeynayaan Nabadda Somalia ay ku lug yeesheen Kala-qeyin, waa sida uu hadalka loo dhigay.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Dowladda Kenya eedeyn u jeediyaan Dowladda Norway, waxayna horey eedeyn noocan oo kale u jeediyeen Dowladda Britain, balse, ma kala cadda inay Dowladda Kenya ka laabatay eedeynta ay horey ugu jeediyeen Britain

Dhinaca kale, Kiiska Khilaafka Badda ee Somalia iyo Kenya ayaa waxaa haatan hor yaallaa Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee ICJ oo ay Xaruntooda dhexe ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Bishii August ee sannadkii 2014-kii, waxay DFS dacwad u gudbisay Maxkamadda ICJ oo ku aadan sheegashada Kenya ee qeybo ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media