Ra’iisul Wasaare Rooble oo kula la qaatay Hay’adaha amniga

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha amniga ayaa faray in la dardargeliyo sugidda amniga Caasimadda, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni darro ee ka dhaca Magaalada.

Eng. Rooble ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid aan la aqbali karin, tallaabo sharci ahna laga qaadayo dadkii ka danbeeyey. Isagoo faray Wasaaradda amniga in baaritaan dhab ah lagu sameeyo falkaas.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Caasimadda in lala shaqeeyo hay’adaha ammaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor