Madaxweynaha Cusub ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ahna Kusimaha Madaxweynaha Mustafa Muxumed Cumar ayaa waxaa uu xilalkii ka qaaday Taliyeyaasha Ciidamada Liyuu Boolis iyo Asluubta  isaga oo Magacaabay taliyeyaal kale.
Madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa u Magacaabey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalida Itoobiya Janeraal Maxamed Yare Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Liyuu Boolis Col, Maxamed Cabdi Mowzar.halka Taliyaha Ciidanka Asluubta loo Magacaabay  Col, Cabdi Kariin Sheekh Muuse.,Taliyaha Sirdoonka Muqtaar Sheekh Xuseen Amiin,Duqa Magalada Jigjiga waxaa loo Magacaabey Garaad Cumar Dool Xersi halka Wasiirka xafiiska Madaxtooyada loo magacaabey Khadar Jikre.
Baraha Bulshada ay isticmaasho ayaa waxaa laga hadal hayaa in Taliyaha ciidanka Asluubta ee uu Magacaabey Madaxweyne Mustafe Cagjar uu yahay Cabdi Kariin Muuse Qali-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha ONLF,isla markaana dowladda Soomaaliya horay ugu wareejisay Itoobiya balse markii dambe lasoo daayey.