Maxaa ka jira in Cabdi Kariin Qalbi-Dhagax xil loo Magacaabey?

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada ay isticmaasho lagu hadal haayey Warar sheegaya in Col, Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax loo Magacaabey Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hayeeshee Cabdi Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Jabhada ONLF oo Sanad ka hor dowladda Soomaaliya ku wareejisay dowladda Itoobiya balse lasiidaayey mudo uu xabsi ku jiray ayaa sheegay in aan waxba ka jirin,isla markaana shaqsiga la Magacaabey ay Magaca kaliya Wadaagaan.

Si kastaba Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa Magacaabey taliyeyaasha Ciidamada Boooliska,Asluubta iyo Mas’uuliyiin kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media