Saakay ayaa nin hubeysan waxa uu dilay Madaxii DP World ee dekedda Boosaaso Paul Anthony Formosa xilli uu kusii jeeday xafiiskiisa.
NInka hubaysan ayaa Madaxa Shirkadda DP World ku dilay qaybta uu ka degan yahay dekada,waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in Ciidamada Dekedda ay Toogteen ninkii dilkaas gaystay.
Poul waxaa Xafiiska loo dhiibay 12 Oktoobar sanadkii 2017, wuxuuna Asal ahaan ka soo jeedaa Dalka Talyaaniga.
Al-shabaab ayaa durba sheegtey dilka, Sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Reuters.