Dhageyso:-Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri ceyrintii Nicholas Haysom?

Dowladda Soomaaliya dalka uga ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomalaiya Nicholas Haysom,kaidb markii ay ku eedeysay in uu ku xadgudbay midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay ceyrintaas ayaa sheegay in markii Qaramada Midoobay usoo Magacaawday Soomaaliya ay u sheegeen in khilaafkasta oo soo dhexgala Soomaalda ay  iyada xalisaneyso waxkasta oo ay ku qaadato.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Nicholas Haysom markii uu tegay Magalada Baydhabo uu sheegay hadal ay ka caroodeen oo ahaa”Muqdisho Somaaliya ma aha Soomaaliya Muqdisho ma aha” taas oo sii kala fogeyneysay dowladda Dhexe iyo Dowlad goboleedyada sida uu yiri Madaxweyne Farmaajio.

Ceyrintii Nicholas Haysom ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dad badna u arkeen inay dhibaato ku tahay Shacabka Soomaaliyeed,hayeeshee Qaramada Midoobay ay sheegtay inay bedeleyso,isla markaana Wakiil Cusub soo Magacaabeyso.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor